CALI DHEERE oo kooxdiisa Shabaab toogtay – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) wuxuu Sabtidii dhowr iyo toban daqiiqo la hadlay ganacsatada, si gaar ahna bangiyada ku yaalla dalka.

Hadalkiisa waxaa ku jirtay ganacsatooy xoolihiin yaan la idinka dhicin ee difaacda. Jumladaas markaad maqasho waxaa durtaba kugu soo dhacay yaa dhaca hantida ganacsatada Soomaaliyeed oo maalin walba baad ka qaada.

Kooxda Al-Shabaab waxay dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay lacago sharci darro ah ka qaadayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta badan dadka ay lacagahaas xooga uga qaadan waxay ku ganacsadaan magaalada Muqdisho. Lacagtaas waxaa inta badan loo adeegsada dilalka dad muslimiin ah, qaarna madaxda kooxda Al-Shabaab ayaa si shaqsi ah u qaadata.

Ganacsatada marka aad weydiiso in dambi kasoo gaarayo xoolaha ay bixinayaan ee lagu laynayo dadka muslimka ah, waxay kugu jawaabayaan “xoog ayay nooga qaadeen ee Al-Shabaab jaceyl iyo raali ahaansho lacag kuma siino.”

Halkaas waxaa ka baraneysa cidda xoogta ama dhacda hantida ganacsatada Soomaaliyeed.

Al-Shabaab lacagaha ay xooga ku qaadan kuma dhisaan isbitaalo, garoomo, waddooyin, goobo waxbarasho ama waxyar oo anfac u noqon kara mustaqbalka umadda Soomaaliyeed, taas badelkeeda lacagtaas waxa lagu dilaa shacabka Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah.

Waxaa jira dad lacago ay diideen darteed ay u dishay Al-Shabaab. Lacagahaas xooga lagu qaaday dadka lagu laayay waxa ku jira ehelka kuwii lacagta laga qaaday.

Waa ayaan-darro weyn in xoolahaagii loo adeegsado dilka ehelkaaga.

Farriinta Cali Dheere ee Sabtidii waxa ganacsatada ugu jira baraarug.

Haddii uu Cali Dheere idin leeyahay xoolihiina difaacda oo yaan la idinka dhicin, qaata talladaas oo cidda hadda idin dhacda oo ah Al-Shabaab iyaga ka bilaaba oo dhaha intaan kadib nama dhici kartaan oo waan diidnay, iskana celiya cidda idin dhaceysa sida uu Cali idin sheegay.

Haddii ganacsatada ay talladaas qaadato cidda ugu horeysa ee iska celin doonaan waa Al-Shabaab, oo hadda la wada ogyahay inay ganacsatada xoogaan.

Qeybtan Cali Dheere wuxuu ku ugaarsaday kooxdiisa waxaana la eegaya sida ay ganacsatada ugu bareerto in intaan ka badan aan hantidooda la dhicin kadibna loo adeegsan daadinta dhiiga muslimiinta.

Dhawaan culimada Soomaaliyeed waxay sheegeen inay tahay dembi diini ah in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab iyo Daacish oo ay sheegeen inay yihiin laba koox oo la yimid dhaqan lidi ku ah shareecada Islaamka, sidoo kalena baneeystay dhiiga dadka muslimiinta ah.