Odayaal kale oo heshiis lasoo galay Al-Shabaab oo la xiray

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo la sheegay in dhawaan ay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa magaalada Beledweyne shalay galinkii dambe ku xirtay odayaashan oo tiradooda lagu sheegay lix ruux.

Ciidamada ayaa odayaashan kusoo qabtay howl-gal qorsheysan oo ay ka sameyeen tuullooyin hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Odayaashan ayaa dhawaan tagay deegaano ku yaala galbeedka Beledweyne oo ay Al-Shabaab ka taliyaan, kuwaasi oo kooxda lasoo galay heshiisyo ku aadan in ciidamada beeshooda ay ka saarayan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Illaa hadda lama oga in odayaashan lasoo xiray lagu maxkamadeyn doono magaalada Baledweyne iyo in loo qaadayo magaalada Muqdisho, sida kal hore dhacday.

Odayaashan ayaa jabiyay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda iyo maamulada kula jiraan dagaal ka dhan ah.

Maalmo ka hor unbay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun xabsi oo shan sano ah ay ku riday odayaal Shabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Maamulka HirShabelle ayaa 20-kii bishaan digniin culus kasoo saaray u hogaansanaanta awaamiirta Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in cidkasta oo u hogaansanta in ay ku xukun yihiin Shabaab, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab iyo cid kasta oo gacan saar la’leh.

“Wasaaraddu waxay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada dowladda HirShabelle uga digeysaa la-macaamilka iyo u hogaansanka amarka kooxaha khawaarijta ah ee gabalkoodu dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka digniinta ah ee kasoo baxay maamulka.

Maamulka ayaa xiligaas faray dhamaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo kooxda macaamil la-sameeysa meelkasta oo ay joogaan si sharciga loo horkeeno.