Sawirro: Saddex walaalo ah iyo dad kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo ay gelinkii dambe ee Isniintii diyaarado dagaal ka fuliyeen agagaarka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, taas oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Quracley oo hoostaga degmadaasi, halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimada Online ayaa innoo sheegay in duqeynta ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof oo shacab ahaa, ayna ku jiiraan Carruur.

Dadkan shacabka ah ee lala laayey oo dhalinyaro ahaa ayaa ku xirnaa goob ay dacwadaha ku qaadaan xubnaha Al-Shabaab, waana meesha lala bartilmaameedsaday duqeynta.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyay in markii hore saddex kamid ah dhalinyarada ay Al-Shabaab u xireen fowdo dhacday deegaanka, halka afarta kalena ay meesha ugu geeyeen qado, sidaasna ay kula kulmeen duqeynta.

Todobada qof ee duqeynta lagu dilay ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen walaalo isla dhashay, kuwaas oo kala ahaa:- 1-Axmed Maxamed Nuur oo 20 sano jir ahaa 2-Cabdiqadar Maxamed Nuur oo 18 sano jir ahaa, 3-Qeys Maxamed Nuur oo 8 sano jir ahaa 4-Cumar Maxam Abuukar oo 18 sao jir ahaa 5-Cabdullaahi Maxamuud Ciise 6-Axmed Khadar Ibraahim Cismaan oo 13 sano jir ahaa 7-Casir Xasan Cabdi oo isna 14 sano jir ahaa.

Dhacdadan ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan waalidiinta carruurtooda lagu laayey weerarkaasi dhanka cirka ah ee shalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, HirShabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhalinyaradaasi duqeynta lagu xasuuqay.

Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay howlgallo culus oo ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fulinayey gobolkaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabab, balse illaa iyo hadda cidna ma sheegan duqeyntan ay waxyeelada kasoo gaartay shacabka, gaar ahaan dhalinyaro ku nooleed duleedka Jalalaqsi.

Si kastaba, dhacdadan mid lamid ah ayaa horay uga dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii duqeyn diyaaradeed lagu laayey shacab ku sugnaa halkaas.