Daawo: Xaalad cakiran oo ka taagan dhulkii laga xoreeyey maleeshiyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fureystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyinka la dhigto gobolka Sh/Dhexe.

25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah isbaarooyinka.

Madaxweynaha oo halkaas kula shiray odayaasha dhaqanka beesha degta Sh/Dhexe ayaa yiri, “Isbaaro dambe lama dhiga karo, qofkii lagu soo qabtana sharciga ayaa la hor geynayaa ama waa lagu dilaa, cid igala hadli karta ma jirto qof isbaaro lagu soo qabtay,” ayuu yiri Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiinta maxkamadda ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintaas aad uga dardaarmay isbaarooyinka, maadaama dhulka laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuuna ku goodiyey in awood ciidan uu ku suuli doono isbaarooyinka la dhigto Sh/Dhexe.

Hayeeshee dhegaha ayaa laga fureystay go’aankii madaxweynaha, waxaana Sh/Dhexe la bilqay isbaarooyin aan horay loo arag, waxaana dhashay walwal ah in gobolkaas iyo Muqdisho ay kala go’aan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo tebisay xaaladda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, balse la dhigtay isbaarooyin, halkaas oo ay ku xayiran yihiin tobanaan gaadiid ah oo qaar Muqdisho u socday, qaarna ka yimid.

Telefishinka Dalsan ayaa soo bandhigay muuqaalka gaadiid badan uu u xayiran lacago ay weydiisteen rag isbaarooyin dhigtay, iyaguna iska bixi waayey, kuwaas oo habeeno ku hoyday deegaano ay doonayeen inay safar ku maraan.

“Aad ayaan u dhibanahay, boonadii ay HirShabeelle noo jartay wax naga fiirinaya malaha ee nin kasta isbaaro ayuu dhigtay, lacagta ugu yar oo ay qaataana waa 600 oo shilin Soomaali ah, hada lacagtii waa naga dhamaatay, halkaan ayaan isaga xayiranahay, waxaan codsaneynaa in dhaca nalaka daayo oo si sax ah naloo canshuuro,” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidleyda.

Ninkaan ayaa sheegay in markii ay rarka ka qaadaan Muqdisho lagu bilaabo baadda oo ay isbaaro bilqantahay ilaa ay ka gaaraan halkii ay u socdeen, taas oo rajo xumo iyo khatar ku abuurtay noloshooda, sida uu sheegay.

Laba bilood ayaa laga joogaa markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, walwalka laga qabo in isbaarooyinku xarkaha goostaan ayaa soo bilowday markii la xoreeyey dhul badan oo HirShabeelle ay Al-Shabaab ka heysteen, balse waa dhacday sidii laga cabsi qabay oo inta badan deegaanadii laga saaray Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la dhoobay isbaarooyin.

Hoos ka daawo warbixinta