Dagaal ka dhacay Baay iyo Shabab oo guul ka sheegtay

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saaratay dagaalkan ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay dishay ugu yaraan illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku soo koobtay Garuun, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay hub ku furteed dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu diriray ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.