Weerar ka dhacay Hiiraan iyo xiisada gobolka ka taagan oo kasii dareysa (Aqriso)

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar dhabo gal ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan & Beledweyne.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka dilka ah iyo dhaawaca kadib.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aano qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, si cadaaladda loo horkeeno.