Dagaal ka dhacay iyo xiisad weli caawa ka taagan magaalada…!

Baladxaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta ka dhacay Buulo-Xaawo.

Ilaa hadda magaalada waxaa ka taagan xiisad dagaal, waxaana magaalada gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Axmed Madoobe sid ay lee yihiin dadka deeganka.

Magaalada waxaa lagu arkay ciidamo ka yimid magaalada Kismaayo, sidoo kalena waxaa magaalada Garbahaarey laga dareemayaa xiisad dagaal.

Si kastaba, waxaa socda waan ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Gedo, waxaana la filayaa in magaalada ay gaaraan xubno ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka billowday markii qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Buulo-Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com