Maamulka Idaacadda Shabeelle oo ka hadlay xariga loo geestay Idaacadooda

Netherlands (Caasimada Online) Maamulka Idaacadda Shabeelle ayaa ka hadlay xarig maanta loo geestay Idaacadda oo ka mid ah Idaacadaha ugu afka dheer ee ka howgala caasimada Muqdisho.

Maxamed Amiin Sheekh Caddow oo ah guddoomiye ku-xigeenka Idaacadda oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Idaacad dhan oo shaqeeneysa in muddo shan cisho ah loo qabto in ay ka guurto dhismaha ay deggan tahay.

Maxamed Amiin ayaa sidoo kale caddeeyay in dhismaha Idaacadda ay daggan tahay ay heshiis la galeen dowladii hore ee ku-meel-gaarka ahayd, taasoo loo oggolaaday in muddo shan sanno ay deganaan karto dhismaha sida uu hadalka u dhigay.

“Dhawaan markii la keenay Idaacadda warqad lagu amraayo in ay muddo shan cisho ay uga guurto, waxaan dacwad geesanay hey’addaha caddaaladda sida maxkamadda gobalka iyo mid sare dhammaantood waa ay ka gaabsadeen inay noo gar naqaan annaga iyo wasaaradda arrimaha gudaha” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Idaacadda in dhismahan  ay uga baxday lacag gaareysa 45,000 oo dollar.

Mar la weydiiyay in lagu eedeeyay Idaacadda in ay daba dhigatay mas’uuliyiinta dowladda oo ay wax ka sheegaan, wuxuu sheegay Idaacadooda in ay ugu horeyso siddii Soomaaliya ay horrumar u gaari lahayd, waana tan sababtay ayuu yiri Idaacadda in ay ka soo guurto dhismihii horrey ay u daganeed oo ku yiilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo la weydiiyay in wax dhibaato ah loo geestay shaqaalaha iyo maamulka Idaacadda intii uu howgalka socday, wuxuu tilmaamay in wax yeelo aan la gaarsiin shaqaalaha, balse Idaacadda hawada laga saaray isla markaana maamulka Idaacadda ay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Si kastaba, Idaacadda Shabeelle ayaa ka mid ah Idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee aadka loo dhageesto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com