Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Ethiopia ee Gedo oo u kala baxay Amxaara iyo Tigray iyo askar ku dhinatay

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamo kawada tirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku dhimatay is rasaaseynta dhex martay Ciidamada Itoobiya taasoo socotay dhowr daqiiqo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-rasaaseynta ayaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay askarta Itoobiya ee AMISOM, wuxuuna khilaafka salka ku hayaa colaadda ka jirto dalkaas oo u dhaxeysa Tigrey iyo ciidamada Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Labada askar ee is dishay ayaa kasoo kala jeeda qowmiyadaha Tigray iyo Amxaaro oo hadda colaad u dhaxeyso, waxa ayna labadan askari ka wada howlgalayeen saldhig ku yaala gudaha magaalada Baardheere.

Ciidamo badan oo kala qowmiyad ah ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana xiisadaha colaada ee ka jirta gudaha Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelatay ammaanka dalkaas.

Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah.

Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda.

“Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.