DAGAAL ka dhex qarxay Somaliland iyo jabhadda Korneyl Faysal Falaalug

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka dagaal ku dhex maray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Jabhada xoraynta gobolka Sool ee uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug.
Sida ay Caasimada Online, wararka ku helayso, dagaalkan ayaa markii hore waxa soo qaaday kooxo hubeysan oo ka tirsan Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug, kuwaasi oo ku qaaday Taliska ciidamada Somaliland ee deegaankaas, weerar saddex jihooda.
Weli ilaa hadda ma cada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan oo muddo saacado ah socday, balse sida Caasimada Online u sheegen dadka deegaankaas ayaa waxay arkeen hal gaari oo gubanaya, kaasi oo ay sheegen inay lahaayen ciidamada Somaliland.
Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan, kala soco Caasimada Online
 
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa