Muqdisho: Ciidamada DF oo galay masjid caan ah, kana kaxeystay Imaamkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ayaa galabta howlgal saacado badan qaatay waxaa ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Masjidka caanka ah ee Abuu Hureyra oo ka mid ah Masaajida ugu caansan magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah jameecadda Masaajidka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran ay gudaha u galeen masjidka, islamarkaana waxaa ay baaritaano waqti badan qaatay ku sameeyeen jameecadii Masaajidka, salaaddii Casir kadib.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay halkaasi ka soo ka xeysteen Imaamkii Masjidka Abuu Hureyra oo lagu magacaabo Macalin Cabdiraxmaan Guurre, kadib markii uu Salaadda casir Tujiyay Jameecadda masjidka.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo watay Imaamka. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Masjidka Abuu Hureyra ayaa waxa uu ka mid yahay masaajidadda lagu tiriyo kooxda Al-Itixaad Al-Islaami ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com