Dagaal qaraar oo maanta Jowhar ka qarxay iyo DF Soomaaliya oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowlada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu imaaday kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan, waxa uuna ka dhacay dagaalkaasi koontaroolka koowaad ee duleedka degmadaasi Jowhar gaar ahaan kan xiga dhanka Koofureed ee Magaalada.

Ciidamada ka howlgala Koontaroolka ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada kale oo doonaayay inay gudaha usoo galaan magaalada Jowhar, waxaana sidaa ku bilowday dagaalka oo muddo farabadan qaatay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida aan kasoo xiganay mid kamid ah Saraakiisha ka howlgala magaalada Jowhar.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Sh/Dhexe ayaa markii uu joogsaday dagaalka xabsiga dhigay qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda ee ku lug lahaa dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay la adkeeyay amaanka magaalada Jowhar oo uu ka socdo shir maamul loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Maamulka Jowhar weli kama uusan hadal dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaraha kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com