Nabaddoono caan ah oo caawa lagu laayay Caabudwaaq qaar la…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Nabadoono caan ka ahaa degmadaasi.

Weerarka ayaa la sheegay inay qaaden maleeshiyaad ku hubeysnaa qoryo iyo bastoolado kuwaasi oo toogasho ku dilay 2 Nabadoon oo lagu kala magacaabo Fanax Aadan iyo Maxamed Barre Diini, iyadoo sidoo kale ay maleeshiyadu ay horay usii dhaawaceen dad kale oo shacab ahaa.

Dadka ku dhaawacmay weerarka maleeshiyada ayaa waxaa ka mid ah Nabadoon Muuse Geelle, waxaana sidoo kale uu daawac soo gaaray 7 kale oo shacab ah.

Weerarka kadib ayaa la sheegay in maleeshiyaadkii hubeysnaa ee falkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nabadoonada la dilay ay kamid ahaayen Nabadoonada ku howlan diyaarinta xubnaha labada Aqal, mana jirto cid faahfaahisay sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Nabadoonada.

Nabadoonada la dilay, ayaa sidoo kale kamid ahaa waxgaradka ugu caansan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com