Dagaal ku saabsan shidaalka SOMALIA oo ka dhex qarxay Sweden iyo Norway

Stockholm (Caasimada Online) – Joornaalka ugu weyn Sweden ee Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay in dagaaal u dhaxeeyo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Holhol ee u dhow laascaanood.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International waxay hal goob oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen maamulo kala duwan, aaggaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo la ollog ah Holhol.

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka degaanka.

Warbixinta jariidada oo ku qoran Swedish cinwaankeeduna yahay “Norsk-svenskt krig om olja i Somalia” (Norwegian-Swedish war about oil in Somalia) ka akhri halkan.

holhol

Caasimada Online

Xafiiska Stockholm 

Caasimada@live.com