Dagaal lagu la’day oo ka dhex qarxay Oromada iyo Soomaalida

Dheka (Caasimada Online) – Xiisad dagaal ayaa ka taagan weli deegaanka Dheka ee dhulka ismaamulka Soomaali Galbeed, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayeen dad xoolaleey ah oo u kala dhashay Soomaali iyo qabiilka Oromada Itoobiya.

Dagaal labo maalin ka horr ka dhacay dhulka Dheka ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 40 qof oo labada dhinac ah, kuwaasi oo ku dagaalamay lahaanshaha dhul daaqsin ah, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu si goos goos ah uga dhacay miyiga deegaanadaasi Dheka la yiraahdo.

Maxamed Maxamuud Cabdulle oo kamid ah dadka ku dhaqan meel ku dhow deegaanka lagu dagaallamay ayaa sheegay in dagaal xooggan uu maalintii Tallaadada ahayd ka dhacay halkaasi.

Maxamed ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah.

“Dagaalkan mar kale ayuu soo noqday, waxaana dhintey dad ka badan 40, Soomaalida ayaa hadane ku gacan sareysa dagaalka oo dib ayeey u eryeen Oromadii weerarka soo qaadey” ayuu Yiri Maxamed.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi loo maleynayo iney ka qeyb qaadanayaan ciidamo Itoobiyaan ah, islamarkaana caawinaya maleeshiyaadka Oromada.

Waa markii Labaad oo dagaal uu ka dhaco deegaanka Dheka ee gobolka Soomaali galbeed, waxaana bil kahor dagaal halkaasi ka dhacay ku dhintey dad ka badan 30 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com