Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhici doona Xarunta Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Xilka ayaa waxaa wareejin doona Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la wareegi doona Madaxweynaha cusub Maxamed C/llahi Farmaajo.

Munaasabada ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana la filayaa inay ka dhacdo Xarunta Villa Somalia.

Waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay ku jiraan Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Somalia kuwaa oo marqaati ka noqon doona sida ay u dhaceyso xil wareejinta.

Xil wareejinta ayaa la xaqiijiyay inay bilaaban doonto 09:00 subaxnimo, waxaana iminka socda diyaar garowga xil wareejinta.

Sidoo kale, 22-ka Bishan oo ku beegan Arbacada soo socota ayaa dhici doonta Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan inay kasoo qeybgali doonaan madax heer caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com