Xog kasoo baxeysa sababtii uu CC u diiday inuu la kulmo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid oo ah Ra’isulwaaraha Kumeel gaarka ah uu diiday inuu la kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo usoo diray codsi ah inay wada qaataan kulan wadatashi ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku andacooday inuu weli madaxweyne Farmaajo fadhiisan halkii uu dalka ka maamuli lahaa isla markaasna aysan macquul aheyn inuu Hotel kula kulmo madaxweynaha.

Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa diiday inuu Farmaajo kula kulmo Hotel Jazeera taasoo marki dambe uu ka roonaaday madaxweynaha cusub wuxuuna u diray wafdi la kulmo Cumar Cabdirashiid.

Fahad Yaasiin Xaaji ayuu madaxweynaha hoggaamiye uga dhigay wafdiga loo diray Cumar Cabdirashiid oo laga dareemayo isla weyne iyo arrimo aan la fahmi karin ujeedkooda.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com