DAGAAL maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo khasaaraha ka dhashay

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in hal askari uu halkaas ku geeriyooday, sidoo kalana laba askari ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay iney ciidamadaas ku dagaalamaan gudaha magaalada caasimadda ah, iyadoo aysan jirin wali hadal kasoo yeeray masuuliyiinta dhanka amaanka ee maamulka Galmudug.

Galmudug waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay galinkii dambe halkaas gaaray, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulkaas.

Iska hor imaadka ayaana kusoo beegmaya xilli saacado kooban uu ra’iisul wasaare Rooble ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Inkasta oo magaalada Dhuusomareeb ay maamulaan ciidamo taabacsan dowladda federaalka iyo Axmed Qoor Qoor, haddana weli waxaa jira ciidan daacad u ah Ahlu-Sunna oo ku dhex jira kuwa dowladda.