Dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu ka dhaco Muqdisho iyo ciidamo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya isgooska Tarabuunka ee degmada hodan ee gobalka banaadir, ayaa sheegaya in Saaka halkaa uu ka socdo dhaqdhaqaaq hor leh oo ay wadaan ciidamada NISA iyo kuwa Militeriga oo shalay halkaa ku dagaalamay.

Ciidamadan oo kawada tirsan dowlada ayaa la kala qaaday waxaana saaka mar kale halkaa kusoo rogaal celiyay ciidamada Militeriga oo iyagu ka careysan askar laga qabtay.

Ciidamada Militeriga oo tirro ahaan shalay yaraa ayaa saaka helay gurmad hor leh waxaana laga cabsi qabaa in mar kale halkaa uu ka dhaco dagaal.

Ciidamada Militeriga ee saaka ku sugan isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan, ayaa eeryadaas ka mamnuucay ciidamada Xasilinta ee NISA, kuwaa oo fariisimo ku leh Tarabuunka.

Gaadiid ka tirsan ciidamada Militeriga oo ay la socdaan ciidamo u muuqaal ek kuwo aan u diiwaan gishneyn Militeriga ayaa sidoo kale gaafmeer kawada Isgooyska Tarabuunka, kuwaa oo kor ka ilaalinaaya ciidamada lasoo dhigay Tarabuunka ee dhaqdhaqaaqa wada.

Goobjooge ku sugan Isgooska Tarabuunka ayaa sheegay in Saaka ay mar kale ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo, maadaama ay dareemayaan dhaqdhaqaaq ka duwan kii shalay dagaalka dhaliyay.

Waxa ay Goobjoogayaasha sheegen in Saaka ay indhaha ku kala furteen ciidamo farabadan oo ka tirsan Militeriga kuwaa oo tuban Isgooyska Tarabuunka.

Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ayaa u muuqanaaya kuwo iyaga un iska adag, xili aysan u babac dhigi Karin kuwa cadowga ah marba haddii uu xaalku sidaa yahay.

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka ee aan qudhooda laheyn Taliyayaasha iyo Maamulka Degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com