Xog: Maxaa hortaagan qorshaha magacaabista safiirada cusub ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday qorsho lagu doonaayay in lagu magacaabo Safiiro cusub.

Xogaha aan heleyno ayaa tibaaxaaya in dib u dhaca magacaabida ay sabab u tahay muran ka dhashay sad bursiga beelo dhowr ah.

Beelaha kuraasta yar ka helay dowlada Federaalka ayaa u sabab ah dib u dhaca ku imaaday magacaabida Safiirada oo ilaa iyo hadda saaran miiska.

Safaaradaha uu muranka badan ka taagan yahay ayaa kala ah Turkiga, Mareykanka, Britain, Kuwait, Sacuudiga, Qadar iyo kuwo kale oo lagu tiriyo inay leeyihiin dhaqaale.

Marka laga soo tago muranka ka taagan magacaabida Safiirada waxaa sidoo kale jira qorsho taa ka duwan oo ay wado dowlada Somalia kaa oo ah in Kuraasta Safaaradaha lagu qanciyo Xisbiyada ku lugta leh Siyaasada dalka.

Marka la eego qoondada ugu badan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa Damul-Jadiid oo ay DFS u aragto caqabad hortaagan socoshada howlaha dowlada, waxaana kusoo xigaaya Aalla Sheekh oo aan ka yareysan Damul-Jadiidka.

Dowlada Somlia ayaa ku howlan qaboojinta kacdoonka kaga imaanaya dhanka mucaaradka ee dhaqanka ka dhigtay dhaliisha dowlada Federaalka iyo waxqabadkeeda.

Si rasmi ah looma xaqiijinkaro xiliga ay Wasaarada Arrimaha Dibadda magacaabi doonto Safiirada Cusub ee la wada sugaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com