Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar oo ku dhow inuu is-dhiibo

Qaahira (Caasimada Online) – Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis.

Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira.

“Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi.

Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto.

Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar.

Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar.

Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi.

“Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada.

Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya.

Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga.

Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan.