Saddex gabdhood oo shaqo ay ka hayeen warbaahinno Soomaaliyeed ku waayay sababo yaab leh (Warbixin)

Jigjiga (Caasimada Online) – Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee ka howlgala Telefisnida iyo Idaacaha dalka ayaa kaalin firfircoon ka qaadanayay sanadihii ugu dambeeyay tabinta iyo diyaarinta warararka iyo Barnaajimyyada kuwaa oo ku shaqeeya inta badan marxalad ka adag tan ay ku shaqeeyaan Wiilasha Wariyeyaasha.

Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa si isku mid ah uga howlgala Idaacadaha iyo Telefeshinada  ku yaala magaalooyinka dalka waloow tiro ahaan aysan badneyn ayaa hadana waxey la kulmaan mararka qaar arrimo culees ku ah shaqada ay u hayaan bulshada.

Xarumaha ay ka howlgalaan ayaa isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah oo xuquuqdooda iyo dumarnimada aan lagu ixtiraamin mararka qaar.

Sadeexdaan Gabdhood  waa Wariyeyaal shaqadooda ku waayay qaab aan sax aheyn oo ku tagri fal ah iyo mid lagu kalifay iney shaqada ka tagto, waxeyna kala yihiin:

1 – Sahro Cabdi Maxamed 2 – Amaal Garaad Qaaje  3 – Filsan Cabdiraxmaan Duceysane.

Sahro Cabdi Maxamed oo u shaqeyneysay warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida Somali region TV (SRTV) ayaa shaqada laga ceyriyay taa oo qaban jirtay Barnaamij Todobaadle ah oo ku saabsan arrimaha Bulshada iyo ciidanka Dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa loo soo dhajiyay warqad shaqo ka ceyrin iyo in waardiyaha uusan  u ogolaan karin iney shaqada soo gasho kadib markii ay diyaarisay barnamij qurux badan oo ku saabsan sida Ciidanka DDS ay ula ciidayaan shacabka iyadoo laga dalbaday iney keento lacag ay ku qaadatay Barnaamijka.

Sahro ayaa sheegtay in aysan ku qaadin Shilin Barnamijka ay qabatay waxaana ay xustay in Laba mid kala dooro lagu dhahay taa oo kala ah “ Lacagta aad ku qaadatay keen ama shaqada lagaa ceyrinaa”

Maamulka Somali region TV ayaa dhagaha ka fureestay warka Sahra Siman ee ah ineysan wax sharuur ah ku helin barnamijka islamarkana taliska uusan Wariyuhu u qoon deyn lacag gaar ah balse ay u qabatay Ciidanka si ay farxad TV-ga ugala ciidaan Shacabka, iyadoo markii dambe shaqada laga ceyriyay sida ku cad warqadan hoose, iyadoo maalin kadib shaqada agaasinka SRTV uu keensaday gabar kale oo qaraabo ay yihiin maamulka.

Warisada Labaad oo ah Amaal Garaad waxey u shaqeyneysay Telefisinka maamul Goboleedka  Puntland  waxeyna shaqadeeda ku weysay Page-ka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash oo Like iyo Share ay u saartay intii uu jiray khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Dani kala dhaxeeya, waxaana maamulka uu u sheegay iney dambi gashay, shaqada ay hadda heysana mid ka hoose in loo dhiibayo taa oo ku kaliftay iney shaqada ka tagto.

Amaal oo hadda joogto Muqdisho ayaa sheegtay in maamulka TV-ga uu kasoo wacay xarunta Garoowe waxaana ay ku tiri ” Karaash dadka kula mid maaha oo isku xaafad ayaad tihiin hadii aad joojin waydo hadal hayntiisana Shaqadaada ayaad ku wayn doonto”

Warisada Saddexaad waa Filsan Duceysane oo u shaqeyneysay Talefisinka Mogadishu Cable waxaa lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan,iyadoo xustay in wax texgelin ah uusan siinin maamulka arrimaha caafimaadka ee Wariyaha.

Filsan ayaa sheegtay iney goobjoog u noqotay gabar ay isla shaqeeyaan oo ku dhex-suuxday Telefisinka kadib markii lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA) Maryan Saylac iyo Xoghayaha Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa arrintan si kulul u cambaareeyay iyagoo sheegay in aan loo dul qaadin karin in sidan loola dhaqmo gabdhaha oo xaalado adag ku shaqeynaya.

‘Masuuliyiinta Warbaahintu howshoodu waxa ay ahayd in ay ilaaliyaan wanaajiyaan gabdhaha u shaqeeya  ee ma ahayn in ay ku xadgudbaan, Gabdhaha waxa ay si guud ula wadagaan dhibaatooyinka ay wajahaan Suxufiiyinta oo dhan, xaq ma ahan in loogu daro caqabado kale, Waan la xiriirney xaruumaha laga soo cawdey waxa aana ka rajeynaynaa in ay dhageystaan baaqeena” ayey tiri Gudoomiyaha SOMWA Maryan Saylac

Gabdhaha Wariyeyaasha ah waxaa lagu qasbaa sidoo kale iney wiilasha cuntada u kariyaan, iney nadaafadda ka shaqeeyaan iyo shaqadooda aan loo madax-baaneyn.