Hadalkii uu FARMAAJO ku billaabay khudbada ee ‘ka carreysiiyey’ xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaan ka mid aheyd xildhibaanadii shalay mudada kooban carqaladeeyay hadal jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal, ayaa ka hadashay waxa ay ka caroodeen.

Xildhibaanka ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu khudbadiisa ku bilaabay si aysan ka filaneyn, isla markaana aysan mas’uuliyadi ka muuqan.

“Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee maanta u hadlayey sidii ciyaal khudbado uu isku toos-toosistay oo siduu rabo u hadlay, waxaa ka hor-yimid xildhibaanno aan ka mid ahay khudbaddiisii qaabta darneyd,wuxuu nooga baxay faan” ayey tiri Xildhibaan Aamina.

Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in madaxweynuhu uusanba soo hadal qaadin dhacdadii xanuunka badneyd ee maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gololey, taas oo lagu dilay sideed dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo dhakhaatiir ahaa, iyo dhacdooyin kale oo ay ka sugayeen.

“Waxuusan ka hadlin dhacdadii ugu dambeysay ee sideedii wiil ee dhakhaatiirta ahaa ee lagu dilay Gololey, waxa uu yiri seddaxdii bilood ee u dambeysay labaatan iyo dhowr fal dembiyeed ayaa ka dhacday dalka, waana amni, kama uusan hadlin diyaaraddii lagu soo riday Bardaale, waxaa ku geeriyootay lix qofood, markii laga reebo laba nin oo Kenyaati ahaana kama uusan tacsiyeyn wiilashii Soomaaliyeed eek u dhintay shilkaas.”

“Todobaadyo ka hor Qansaxdheere diyaarad kale ayaa lagu xabadeeyay, kama uusan hadlin, duuliyihii waday diyaaradaas ee soo badbaadiyey markii uu Muqdisho kasoo dejiyay ayaa la jeebeeyey oo la xiray madaxweynuhuna kama hadlin dhacdooyinkaas” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamina.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan.

Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka.

Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.”

Sidoo kale waxyaabaha laga sugayey in Madaxweyne Farmaajo uu uga hadlo khudbadii maanta waxaa ka mid aheyd dacwada badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya, taas oo in badan lagu eedeeyey madaxweynaha in uusan si cad uga hadlin, iyadoo markii seddaxaad dib loo dhigay bishii hore.

Halkan ka Daawo