Ruushka oo dagaallameyaal Syrian ah u qoraya Khaliifa Xaftar oo xaal ku xun yahay

Tripoli (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso laba illo wareed oo ka tirsan mucaaradka dalka Siiriya ayaa qortay in Dowladda Ruushka ay sare u qaaday qorista boqolaal dagaalyahan oo u dhashay dalka Siiriya si ay uga garab dagaalamaan malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka ka wado dalka Liibiya.

Shaqada qorista ciidamadaan kasoo jeedo dalka Siiriya ee la doonayo in loo daabulo Liibiya ayaa waxaa hormuud u ah Shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner Group, waxaana kormeer ku sameenayo ciidamada Militariga Ruushka.

2019 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la bilaabay qorista Ciidamadaan iyo in loo daabulo gudaha Liibiyam sid ay Reuters u xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaale horey ula soo shaqeeyey Shirkadda Militeri ee Wagner.

Vladimir Putin ayaa xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad tan iyo markii uu garab ku siiyey in meesha laga saaro kooxihii fallaagada hubeysan ee dagaalka kaga soo horjeeda Dowladda Siiriya.

Dowladda Ruushka oo dooneyso inay saameyn ku yeelato gobolka dhaca bariga badda Mediterranean ayaa is garab istaag u muujisay malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka kula jiro dowladda Liibiya oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa la safan oo garab siinayo Jen. Khalifa Haftar iyagoo Dowladda Liibiya ku eedeeyey inay xiriir la leedahay  Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ee ku xoggan gudaha dalka Masar.

Ciidamnada dowladda Liibiya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Liibiya ka saaray xoogagga janaraalka awoddiisa sii wiiqmeyso.

Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.

Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.