Xog: Kiiska xasuuqii Gololey oo weji kale yeeshay iyo dad aan la fileyn oo loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan booliska dambi baarista ee ka tirsan CID ayaa soo xiray maamulaha xarunta caafimaad ee ku taalla degaanka Golaley ee lagala baxay 8 dhaqaatiir ah kadibna la dilay.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay qof kale oo ka tirsan shaqaale hoosaadka xarunta caafimaad waxaana loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen dad xog ogaal ah.

Agaasimaha xarunta iyo qofkaan kale ee la soo qabtay ayaa la sheegay in saacad wax ka yar ay ka maqnaayeen xarunta markii lala baxayay dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa la sheegay iney joogeen beer ku taalla halka lagu dilay sideeda qof ah ee dhalinyarada ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa noo sheegay in xog aan is laheyn uu ku hadlay maamulaha Isbitaalka. Sidoo kale waxaa xog ku helnay in dilka ay fuliyeen 5 nin oo ku hubeesnaa AK47, kuwaas oo min hal xabad madaxa uga dhuftay dadka la dilay.

Wararka aan ka helnay guddiga baarista ayaa sidoo kale sheegaya in goobta dhaqaatiirta lagu dilay ay tahay goob aysan tagi karin ciidanka dowladda.

“Shan askari iska daaye xataa 5 Cabdi bile ma tagi karto aagga dadkaan lagu dilay, sidoo kale dad qaba tababar casri ah ayaa dilay oo min hal xabad madaxa uga dhuftay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guddiga baarista wada.

Dhinaca kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa ku biiray guddiga ku howlan baarista kiiskaan waxa uuna tagay degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.

Kiiskii foosha xumaa ee lagu laayay dhaqaatiirta ayaa u muuqda inuu yeeshay weji kale. Sidoo kale cabsi weyn ayaa laga qabaa iney ku lug yeeshaan qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan.