Dibad-bax lagu taageerayo hadalkii FARMAAJO oo ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa soo abaabulay oo tan iyo xalay ku howlanaa xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo Xooggaga Wadaniyiinta.

Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon, isgoysyada Sanca iyo KM4.

Dadka dhigaya dibad-baxa oo laga soo aruuriyey dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha.

Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa ah kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay Farmaajo ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa saaka la xiray jidad muhiim ah oo ay ka mid tahay wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoona la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horey loo go’aamiyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeesho Aqalka Sare oo lagu qeybsinayo nidaamka 4.5, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta waxgaradka magaalada Muqdisho.