Jabuuti oo ‘dambi halis ah’ oo uu dil ku muteysanayo ku soo oogtay duuliye Fu’aad

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xariga kacdoonka weyn dhaliyay ee duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, kaasi oo dhawaan iska soo duubay muuqaal qiiro leh.

Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Jaamac Suleymaan Cali oo xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in duuliye Fu’aad uu dambi culus ka galay dalka Jabuuti, midaasi oo horseeday xarigiisa, kuna muteysan karo dil toogasho ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu duuliyuhu isku dayay inuu la baxsado diyaarad milateri, isagoona gebi ahaanba burburiyay diyaarad ay ciidamada cirka Jabuuti lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Jaamac ayaa duuliye Fu’aad ku eedeyay inuu dil ugu hanjabay madaxdiisa milateriga, isla markaana sirta qaranka Jabuuti la wadaagay dal ay cadow yihiin oo ah Ereteriya.

Xeer ilaaliyaha ayaa ka marag kacay dhiibista Itoobiya, oo iyadu qeyb weyn ka qaadatay soo qabashada duuliyaha, iyadoona usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu ka tirsanayey cadaalad daro baahsan.

Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu sheegay inuu duuliye Fu’aad muteysan karo ‘dil toogasho ah’, maadama uu sirta qaranka u gacan galiyay dalka Ereteriya oo ay xiisad colaadeed kala dhaxeyso.

Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aadaya xili ay banaanbaxyo waaweyn ka socdaan gudaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha oo mar kasoo hor-muuqday warbaahinta isagoo ku xiran Musqul uu sheegay in looga digay xabsi.