Guuleed oo dalbaday arrin muhiim u ah doorashada

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan 2020 / 2021-ka.

Guuleed ayaa marka hore dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wada yhay, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho, islamarkaana aysan jiri doonin muddo kororsi.

“Waa go’aan wanaagsan hadalka Madaxweynaha ee ah in dalka ay ka dhaceyso Doorasho oo aan jiri doonin muddo kororsi, balse waxaa mudan in la isweydiiyo oo laga baaraandego waqtiga la heysto iyo howsha la rabo in la sameeyo.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn wuxuuu ugu baaqay dowladdda federaalka ah ee Soomaaliya inay xoojiso diyaar-garowga, sidoo kalena ay diyaariyso dhammaan shuruudaha looga baahan yahay doorashooyinka soo socda oo isugu mida baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaanka sanadkan 2020-ka illaa sanadka xiga ee 2021-ka.