Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dagaal beeleed dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Ceyr-daye iyo Miira-jibaale oo ah laba deegaan oo isku dhaw, kuna yaalla xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Galgduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriraya oo xoolo dhaqato ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalkaasi

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac laga dareemayo halkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo ay ku jiraan dad rayid  ah.