Maxaa ka jira in Gaafaadhi uu warqad is-casilaada u gudbiyey madaxweynaha?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada warar sheegayey in Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland, Xasan Maxamed Gaafaadhi uu warqad istiqaalo u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiir Gaafaadhi oo tixraacaya wararkaasi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiis twitter-ka ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya inuu istiqaalada wasiirnimo u gudbiyay Biixi.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dad been ku macaash ah ay wararkaasi baahiyeen, kuwaasi oo aan wax xog ah ka haysan arrintaasi.

Gaafaadhi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheegaya is-casilaadiisa, maadama uu yahay mid xaqiiqada ka fog, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:

“Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye”.

Maaha markii u horeysay ee warar noocan ah laga baahiyo wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo badanaa lala xiriiriyo shaqsiyaadka mucaarida xukuumada.