Xuska maalinta caalamiga ah ee bedqabka cunnada adduunka oo Muqdisho lagu qabtay + Sawirro

Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah shirkadaha wax soo saar dalka taasi oo lagu xusayay maalinta bedqabka cunnada Adduunka 7da Juun2020 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha Qaramada Midoobe ee dhinacyada Cunnada iyo Caafimaadka ee FAO iyo WHO ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda si bulshada loo xasuusiyo looguna wacyi geliyo muhiimadda bedqabka cunnadu ay u leedahay caafimaadka bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen ayaa sheegay in munaasabadan ay ku soo beegantay xilli dunida guud ahaan uu dhibaato ku hayo caabuqa COVID19, ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan Dowladda si loo gaaro hadafka guud ee ah in dadku ay quutaan cunno caafimaad qabta.

“ Dhamaanteen waa in aan ka qeyb qaadanaa badqabka cuntada sida hilibka xoolaha, caanaha iyo dalagyada si aysan waxyeelo u soo gaarin caafiimaadka guud ee Aadanaha iyo midka bulshada Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen.

Xuska sannadkaan waxaa loo asteeyay halku dhig ah “Bedqabka cuntada qof kasta ayaa mas’uul ka ah”, taas oo muujineysa sida dadka dhan looga doonayo inay gutaan xilka ka saaran bedqabka cunnada, waxaana xuska maalintaan ay muhiim u tahay in dadka lagu baraarujiyo sidii ay dareenkooda u siin la haayeen ka qayb qaadashada tilalaabooyinka looga shaqeynayo bede-qabka cunnada iyo caafimaadka Aadanaha.