Xog: Abaabulka banaanbax berri ka dhacaya Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xogta in caawa uu Muqdisho ka socdo abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo maanta baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo la qorsheeyay in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa dadka dhigaya loo diyaariyey dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda, si ay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.

Sida aan xogta ku heleyno, abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo xooggaga wadaniyiinta (Guddiga abaabulka wacyi-gelinta Qaranka), iyadoona goobaha loo qorsheeyay ay ka mid yihiin Taalada Daljirka Daahsoon, isgoyska Sanca, isgoyska KM 4 iyo saldhig Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii maanta uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad, waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka, inay aqbalaan in Muqdisho metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan maanta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka u jeedinayaa codsi Madaxweyne oo aan rajeynayo inaad iga aqbashaan, iguna sharaftaan, si aan u muujino tixgelinta iyo qadarinta aan u heyno caasimadda Muqdisho, oo aan wada jecelnahay, oo si gaar ah meel gaar iga taalla, oo aan ku dhashay, fadlan igu raaca inay metelaad ku yeelato Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.