Madaxweyne Farmaajo oo u jawaabay xildhibaannadii maanta ku buuqay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u jawaabay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo buuq ku furay markii uu billaabay khudbad uu ka jeedinayey furitaanka kalfadhigga 7-ad ee baarlamanka.

Madaxweynaha ayaa hadalka laga horjoogsaday muddo ku dhow 10 daqiiq, waxaana markii kadib buuqa yaraaday uu la hadlay xildhibaanada buuqaya iyo kuwii kale ee fadhiyey xarunta.

“Halka qof ee firimbiga haysta waa bixi karaa, waxaan leeyahay qofka firimbiga haya waqti mahayo, aniga iyo dowladeydu waxaan soo kordhinay xasillooni siyaasadeed, hala kala aragti-duwanaado waa caafimaad laakiin ixtiraamku waa inuu meesha ku jiro”

“Shaqaale dowladeed hal bil mushahar la’aan ma noqon, askari dowladeed hal bil mushahar la’aan ma nooqn, waxayna ku dhacday taas xasiloonida aad adinka abuurteen, adinka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay tahay middii ugu horreysay ee bixisa waxbarasho lacag la’aan ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbarasho lacag la’aan ah siiso 65 arday, taasoo dhalisay dood badan oo ku aadan sida tiridaas u yar tahay, balse markii dambe lagu saxay qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo lagu sheegay in loola jeeday 65 kun.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha