Daawo: Farmaajo oo BF ka hor caddeeyey mowqifkiisa xilliga iyo nooca doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamanka, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda lagu qabto.

“Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay qabashada doorasho ku qabsoonta xilligii loo asteeyay oo fursad u siinaysa shacabak Soomaaliyeed in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

“Guddoomiyeyaasha labada gole ayaa caddeeyey in doorasho dhaceyso, waqtigeedana ku dhaceyso, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa umadda iyo golaha wasiirada u caddeeyey in dalka doorasho uu aadayo, sidii loogu talo-galayna ay dhaceyso,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay gutaan masuuliyadda wadaniyeed ee ka saran go’aaminta masiirka dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada.”

Hoos ka daawo madaxweynaha