Xildhibaannadii ku buuqay madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sababta (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan.

Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka.

Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.”

Xildhibaan Xasan Yare ayaa intaas ku daray in sababta loogu adkeysanayo doorasho qof iyo cod ay tahay waqti lumis ujeedka ka dambeeya uu yahay in muddo kororsi lagu xaqiiqsado.

“Isagoo aan ka hadlin amniga dalka, isaga oo aan ka hadal dhaqaatiirtii lagu xasuuqay Gololey, isaga oo aan ka hadaly arrimihii dastuurka, arrintaaas ayey xildhibaanada aad u dhibsadeen iyo ciidamada aan Itoobiya ka tirsaneyn ee lagu daad-gureynayo maamul goboleedyada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha uu dhaqaalihii dalka iyo ciidamadii qaranka u adeegsanayo inuu ku carqaladeeyo maamul goboleedyada.

Hoos ka daawo xildhibaan Xasan Yare