Farmaajo oo BF ka codsaday in Muqdisho ay matalaad ku yeelato AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah midka ugu dambeeya ka hor inta uusan dalka isbadal galin, wuxuuna kaga faa’ideystay inuu jeediyo codsi ku saabsan maqaamka Muqdisho.

Madaxweynaha oo markii hore khalalaase la galiyay khudbadiisa ayaa helay fursad uu hadal ku jeediyo, wuxuuna labada aqal ka codsaday in magaalada uu ku dhashay la siiyo matalaadda ay u qalanto.

“Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Federaalka waxaan maanta usoo jeedinayaa codsi Madaxweyne, waxaana rajeynayaa inaad iga aqbashaan iguna taageertaan oo igu sharaftaan si aan u wada muujino tixgelinta iyo qaddarinta aan u heyno Muqdisho, waan wada jecelnahay si gaar ah ayey meel iiga taal, waan ku dhashay, luuq-luuq ayaan u aqaan, waana ku koray, fadlan igu raaca inay aqalka sare ku yeelato caasimadda Muqdisho matalaadda ay mudan tahay, sidoo kalana ay muraayad uga wada noqoto dhamaan sahcabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha khudbadiisa aad ayaa loo sugayay, wuxuuna aad u sharraxay guulaha ay gaartay xukuumadiisa oo ay ka mid tahay fursadda ay siisay Ra’isul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Farmaajo wuxuu ka dhawaajiyay iney ka go’an tahay xukuumadiisa iney doorashada ku dhacdo wakhtiga loogu tal-galay.