Xildhibaan Xuseen Carab: “Waa mas’uuliyad darro weyn in DF aysan xilligan aqoon nuuca doorasho ee la galayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah kan ugu dambeeya ee baarlamanka hadda jira, ayaa maanta ka furmay Muqdisho, inkastoo khalalaaso la galiyay khudbadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo khudbad ka jeediyey, ayaa saluugay sida ay xukuumadda hadda jirta uga jiifatay hanaanka doorasho ee dalka iyadoo ilaa iyo hadda aan la garaneyn nuuca doorasho uu dalka gali doono.

Kalfadhiga Baarlamaankii ugu dambeeyay ayaa maanta furmay iyadoo xildhibaanada aysan aqoon nuuca doorasho ee dhaceysa, waxaana xusid mudan iney meel mariyeen sharciga doorashada.

Xildhibaanka Xuseen wuxuu kasoo horjeedaa in muddo kororsi loo sameeyo laamaha kala duwan ee dowladda.

“Doorasho qof iyo cod ah inaan la qaban karin in cudur daar looga dhigo xanuunka COVID19 waa wax aan suuragal aheyn, wakhti hore ayaa la dayacay, fayris-kaan dhawaan ayuu soo ifbaxay, waxaase iga su’aal ah saddex sano iyo bar ah maxaa la qabnayay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Ciise Carab.

“Waa masuuliyad darro in dowladda aysan aqoon xilligaan nuuca doorasho ee la galayo,” ayuu yiri.

Fikirka Xuseen Carab Ciise ayaa wxaaa la qaba xildhibaano badan, oo rumeysan in sababta aysan dowladda u diyaarin doorasho ay tahay inaysan dooneyn in doorasho dhacdo, taa beddelkeedna ay ku taameyso muddo kororsi.