Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Kyiv iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa dagaallo qaraar ay maanta ku dhex-marayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayada oo mas’uuliyiinta ay ugu baaqeen shacabka inay magaalada ka difaacaan ciidamada Ruushka. 

Hase yeeshee, inkasta oo dagaalka uu sii xoogeysanayo, haddana saraakiisha dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa tusmeeyey inay diyaar u yihiin wada-hadallo, taasi oo muujisay rajadii ugu horeysay tan iyo markii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhowaaqay duulaanka Khamiistii. 

Gantaallo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Kyiv, ayada oo militariga Ukraine ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay soo weerareen saldhig ku yaalla waddada weyn, balse ay iska caabiyeen.

Rasaasta ayaa sidoo kale aroortii laga maqlayey meelo u dhow dhismayaasha dowladda ee bartamaha magaalada, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

“Aayaha Ukriane hadda ayaa la go’aansanayaa,” waxaa sidaas khudbad uu xalay soo duubay ku yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. 

Taliska ciidamada cirka Ukraine ayaa dagaal xooggan kasoo weriyey meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Vasylkiv oo ku yaalla koonfurta galbeed ee caasimadda, halkaasi oo ay sheegeen inay soo weerareen ciidamada Ruushka.

Waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay soo riday diyaarad sahay u siday ciidamada Ruushka. 

Dadka degan magaalada Kyiv ayaa wasaaradda difaaca waxay u sheegtay in sameystaan bambooyinka laga sameeyo gaaska, si ay isaga difaacaan ciidamada duulaanka ah. 

Kumanaan qof ayaa ka cararay magaalada, sida uu sheegay madaxa gargaarka QM.

Kadib toddobaadyo ay ka digayeen Reer Galbeedka, Putin ayaa dagaal saddex jiho ah waxa uu Ukraine kaga soo qaaday waqooyiga, bariga iyo koonfurta Khamiistii. 

“Waxaan mar kale ugu yeerayaa shaqaalaha militari iyo ciidamada hubeysan ee Ukraine inaysan u ogolaan maamulka xagjiriinta Naaziyiinta ah inay caruurtooda u adeegsan inay ka dhigtaan gabbaad bani’aadam,” ayuu Putin ku yiri khudbad uu duubay oo laga baahiyey Golaha Ammaanka QM.

“Awoodda gacantiina ayey ku jirtaa.”

Putin ayaa hoggaanka Ukraine wuxuu ka dhigtay mid ka mid ah qiilka ugu weyn ee uu u weeraray Ukraine, isaga oo ku eedeeyey xasuuq ka dhan ah shacabka ku hadla afka Ruushka ee degan Bariga Ukraine. 

Kyiv iyo xulafadeeda Reer Galbeedka way ku gacan sayreen eedeymahaas.