Dagaalka H/Gidir & Biyomaal oo Marka ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka qarxay Dagaal xoogan oo u dhexeeya qabaa’ilo halkaasi wada dega.

Dagaalkaani oo markii hore bilowday Habeenimadii xalay, ayaa waxa uu saakay mar kale dib u qarxay, waxaana iminka halkaasi laga maqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan Beelaha uu dagaalka u dhexeeyo.

Wararka aan ka heleyno magaalada Marko ayaa sheegaya in dagaalka uu shalay gelinkii dambe ka dhashay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Biyo Maal ay weerareen gaari ay la socdeen maleeshiyaad Habar gidir ah.

Waxaa saaka wararka aan heleyno ay sheegayaan iney is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana mar kastaa la filan karaa dagaal ka dhaca degmada.

Cabsi xoogan ayaa ka taagan  magaalada taasi oo ah iney saameyn xoogan  ku yeelan karta dadka ku nool magaalada Marko.

Dadka deegaanadaasi ku nool, ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas xoogan ay maqlayaan, islamarkaana dadka shacabka ay yihiin kuwo guryahooda ku gambanaya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan weli jirin cid isku dayday kala dhex galka Dagaalamayaashaasi, waxaana laga baqayaa in khasaaraha uu intaasi kasii bato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com