XOG: Yaa ka danbeeyay weerarkii dhimmashada lahaa ee shalay lala beegsaday xildhibaannada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii lagu qaaday Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo ka dhacay agagaarka Hotel Makka al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ilo xogogaal ka tirsan laamaha amaanka DF Somalia ayaa sheegaya in gaariga la weeraray ay wada saarnaayen Laba Xildhibaan oo ka tirsanaa BF Somalia iyo Darawalkooda oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo Xildhibaan Cabdalla Boss.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay geysteen Ciidamo ka tirsanaa DF Somalia, waxaana la tilmaamayaa inay wateen gaari nooca loo yaqaan ”qooqan”.

Weerarka kadib ayaa waxa ay ciidamadaasi ay galeen madaxtooyada xilli ay bursanayeen ciidamo kale oo ka tirsanaa Militeriga iyo Nabadsugida.

Ciidamada dilka geystay oo lagu dhex qabtay Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay ku andacooden in weerarkaasi uu ku dhacay si lamafilaan ah, kadib markii ay ka shakiyeen gaariga ay saarnaayen Xildhibaanada.

Sidoo kale, waxa ay sheegen in markii hore xabad looga soo riday gaariga ay xildhibaanada wateen sidaana ay rasaasta ku huwiyeen.

Dhacdadaani ayaa noqoneysa mid ka mid ah kuwa inta badan caado ka noqday magaalada Muqdisho xili ay ciidamada Dowladu yihiin kuwa buuxa wadooyinka ay falalka ceynkaasi ah ka dhacayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com