Daawo carrada AXMED MADOOBE oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh, Jawaari yo Shariif Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa si caro leh kaga hadlay mooshinka laga gudbiyay dhismaha baarlamaanka maamulkiisa.

Muuqaal laga soo duubay Axmed Madoobe oo soconaya muddo 21 daqiiqo ah ayuu ku muujiyay carada uu u qabo Xasan Sheikh Maxamuud, Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, Shariif Xasan Sheikh Aadaan iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa eedeyn u jeediyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo uu sheegay inuusan dhex dhexaad ka aheyn mooshinka laga gudbiyay baarlamaanka maamulkiisa.

Xasan Sheikh Maxamuud

Axmed Madoobe wuxuu weerar dadban ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo uu sheegay inuusan awood laheyn maadaama dhismaha baarlamaanka Jubba oo uu raali ka ahaa laga daba hadlayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay ineysan wadin ka shaqeynta dhismaha dalka Soomaaliya taa badalkeedana ay kala qeybinayaan guud ahaan dalka.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay la kulmaan dilal iyo dhaawacyo loogu geysto magaalada Muqdisho oo amnigooda uusan sugneyn, laakiin ay ku mashquulaan maamulo uu sheegay iney dhismeen.

Shariif Xasan Sheikh Aadan

Axmed Madoobe ayaa weerar afka ah ku qaaday Shariif Xasan oo uu sheegay inuu maamulo deegaanada maamulka Koofur Galbeed oo uusan ka talin magaalada Kismaayo, isagoo sheegay iney Kismaayo kusoo dhaweeyeen.

Wuxuu u sheegay in marnaba aysan suuro gal noqon doonin in xildhibaan cusub lagu daro baarlamaanka maamulka Jubba.

Go’aankiisa

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in maanta haddii baarlamaanka u codeeyaan baarlamaanka Jubba inuu yahay mid sharci aan ku dhisneyn uu xiriirka u jari doono dowlada Soomaaliya.

Halkan ka daawo Video-ga

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com