DAGAAL salka ku haya $80 milyan oo ka dhex qarxay DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Boostada iyo Isgaarsiinta maamul goboleedyada dalka ayaa bayaan ay soo saareen xiriirka ugu jaray Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, oo ay ku eedeeyeen inuu dhowr jeer baajiyey shir lagu madalsanaa inay labada dhinac yeeshaan.

Khilaafkan ayaa salka ku hayo maamulka iyo qeybsiga dhaqaale laga helayo Bankiga Adduunka, gaar ahaa Mashruuca Digital Integration, kaasoo la sheegay inay ku baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo dollar.

Hos ka akhriso war-saxaafdeedka
Tr: 16/Nov/2022
War-saxafadeed wadajir ah. 

Ku: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS
Og: Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS
Og: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaliya
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya 

Ujeeddo: Joojinta wadashaqeynta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S 

Maanta oo Taariikhdu tahay 16/Nov/2022, Shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknlojiyadda ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa ay ku joojiyeen wadashaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federalka Somalia. 

Dhammaan Wasiirrada ayaa qaatay go’aankan kadib markii ay arkeen in Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyay Xiriirka labadda heer ee Wasaaradaha isla markaana uu kaligiis qaaday Talaabooyinka hoos ku xusan. 

1: in uu bajiyay dhowr jeer shir lagu madalsanaa in labada dhinac ay yeeshaan, si wadatashi loo dhanyahay looga yeesho Siyaasadaha lagu maamulayo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dalka. 

2: in Mashaariicdii hormarineed ee loogu talagalay Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu ku qortay shaqsiyaad gaar oo xafiskiisa ka shaqeeya, uuna ku takrifalay masuuliyadii lagu aaminay. 

3: in dhammaan Tababarada ay xaqa u lahaayeen Shaqaalaha Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu joojiyay kuna koobay kaliya Wasaaradda heer Federal. 

4: in si musuq maasuq baahsan ah oo u maamulayo Mashruuca Digital Integration oo World Bank dhowaan bilaabeyso, kuna baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo Dollar, kaas oo loogu talagalay inta badan dhismaha iyo horumarinta Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa uuna si cad uga horyimid in Wasaaraduhu soo qortaan baahiyahooda muhiimka u ah.

Sidaa darteed waxan ugu baaqeynaa Madaxda sare ee DFS iyo Hey’adaha naga taagyeeraya Mahariicda in si dhow ula socdaan in aysan jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhaxeeya Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad Goboleedyadda iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, kana fogadaan in heshiis gooni ah la galaan shaqsi kaligiis ah. 

War-saxafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray. 

1: Eng Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Igaarsiinta, Teknoljiyadda, Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntand. 

2: Abdullahi Shiikh Dahir, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Igaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Koofur Galbeed. 

3: Abdifatah Hassan Farah, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Hirshabelle: 

4: Abdirashid Mohamed Du’ale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Jubbaland. 

5: Xill Abbas Hussein Ali, Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Boostada, lsgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Galmudug.