Dowladda oo AL-SHABAAB kala wareegtay deegaano cusub oo ka tirsan HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolkaasi ay deegaano horleh kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo ay la galeen.

Ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda 27-aad, kuwa Danab iyo Macawiisleyda ayaa si wadajir ah howlgalladan uga sameeyey inta u dhexeyso deegaanka Halgan iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen deegaanada kala ah:-  Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor, Garasaani, Booco iyo Nuur fanax ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyey saldhigyo iyo xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hiiraan ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shababa looga saari jinka webiga, si looga hortago weerarada ay mararka qaar kasoo qaadaan halkaasi.

Baakaay ayaa sidoo kale xusay in aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda, ayna sii wadi doonaan howlgalka, inta la’isaga xirayo dhammaan deegaanada gobolka.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaa soo jab xoogan lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxdaasi oo haatan laga saaray deegaano dhowr ah.