Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka.

Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xakameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u keeni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay.

Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u baahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka. Guusha xisbiga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aqlibiyadda golaha wakiillada.

Hoggaamiyaha golaha wakiillada ee xisbigan, Kevin McCarthy, ayaa laga yaabaa inay sugayaan caqabado adag, maadaama uu u baahan doono guddigiisa joogtada ah si uu isugu keeno codadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda iyo militariga xilli madaxweynihii hore Donald Trump uu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne.

“Dadka Maraykanku waxay diyaar u yihiin jiho cusub, Aqalka Jamhuuriguna waxay diyaar u yihiin wax qabad,” ayuu McCarthy kusoo qoray Twitter-kiisa.

Guuldaradan ayaa meesha ka saaraysaa qaar ka mid ah awooda Biden ee Washington laakiin Arbacadii Biden ayaa u hambalyeeyay McCarthy oo uu sheegay inay wada shaqeyn doonaan.

Afhayeenka xilligan ee Koongreska Nancy Pelosi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Dimuqraadiyiinta golaha wakiillada “ay sii wadi doonaan inay door hoggaamineed ka ciyaaraan taageerida ajendaha Madaxweyne Biden – iyagoo awood xooggan ku leh aqlabiyadda tirada yar ee Jamhuuriga.”

Reuters, VOA