Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo dagaal uu ka dhex qarxay

Afbarwaaqo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu ka soconayo dagaal xoogan, oo u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka soconaya Deegaanka Towfiiq oo ku dhow Deegaanka Afbarwaaqo, kana mid ah goobihii ay maalintii Khamiista ku wada dagaalameen maleeshiyadaasi.

Maleeshiyadan oo tan iyo Khamiistii ay gurmadyo gaarayeen ayaa isku horfadhiyay deegaanadaasi, waxaana markasta la fillan karay in dagaal uu ka dhex qarxo.

Xiisadan ayaa waxay baqdin ku keentay dadkii deegaanka, kuwaa oo guryahooda uga cararay si aanay waxyeelo uga soo guurin is uruursigaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo aadayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaaraan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan.

Masuuliyiinta Maamulada Galmudug & Puntland ayaan maalmihii la soo dhaafay ka hadlin xiisadda ku soo korortay Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.