Dagaal uu dhiig ku daatay oo ka dhacay P/Land

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay laba Koox ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Duleedka magaalada Qardho ee Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhashay ceel-biyood kadib markii laba ruux oo kamid ahaa dadka Deegaanka ay ku dagaalameen qaabka loo kala hormari lahaa qaadashada biyaha, iyadoona muran badan kadib uu dhacay dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoona dadka deegaanka ay sheegen in goobta uu ku dhintay mid kamid ah labadii ruux ee uu dagaalka ka bilowday.

Sababta ugu weyn ee dhibaatadaan u dhacday ayaa la sheegayaa inay tahay biyo la’aan aad u baahsan oo ka jirta deegaanada maamulka Puntland.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqday in deegaanadooda ay ka jirto abaar aad u daran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com