Sawirro: Xildhibaan careysnaa oo sunta dadka ka ilmeysiisa adeegsaday xili fadhi uu socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kosovo, ayaa fashiliyay kulan muxaafidka dalkaasi ay ku doonayeen inay ku caburiyaan Baarlamaanka.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo si aad ah uga carooday Gudoonka Baarlamaanka Kosovo ayaa mar qura boorso uu watay kala soo baxay sunta dadka ka ilmeysiisa xilli uu socday kal-fadhi.

Xildhibaanada oo xiligaasi dhageysanaayay Khudbada Gudoomiyaha ayaa mar qura ku kala orday fadhiga waxaana qiic uu mar qura wada qabsaday dhismaha Xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanka foodada kiciyay ee ka ilmeysiiyay Xildhibaanada kale ayaa markiisii horaba ahaa mid ka careysnaa heshiis dhex maray Kosovo iyo Serbiya kaas oo ay mudanayaashu ka doodayeen.

1

3

4

5

6

7

8

9

11

12

13

14

15