“Dastuurka JAWAARI waxa uu shaqeeyaa goortii lagu dhago Xasan Sheekh” Sidaas waxaa yiri…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali ay jiraan Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo dhaliilsan qaabka ay u wada shaqeynayaan Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha BF, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaanka oo kamid ahaa Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Gudoomiyaha BF Jawaari waligii uu ahaa mid ku tunta Dastuurka, kaliya goortii Xassan Sheekh qeylsho uu Jawaari isku muuqaal ekeysiiyo mid dhowraayo Dastuurka.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan la dhacsaneyn hannaanka loo maareeyay mooshinkooda kaasi oo laga soo saaray qodobo la sheegay inay si wadajir ah u saxeen Gudoomiyaha Barlamanka iyo Ra’isal wasaaraha Somalia.

Xildhibaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Gudoomiyaha Barlamanka uu saddexdii sano ee tagtay ka aamusnaa jabinta dastuurka ee uu sameeyay Xassan Sheekh.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri Xildhibaan Barre “Jawaari managu socodsiin doono sida uu isaga rabo waana u sheegayaa in waxyaabaha uu ku taamayo aysan ka raali noqon doonin”

”Xaqiiqda dhabta ah waa in dadka la gaarsiiyaa, waxaan qof walba iyo beesha caalaamka u sheegayaa in Xildhibaanadii mooshinka saxiixay la dhagaysan waayay banaanka ay taagan yihiin”

Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in Jawaari uu yahay mid aan laheyn haba yaraatee axdi waxa uuna farta ku goday in Xildhibaanada uu uga baxay ballamo badan uu la galay, wuxuuna waydiiyay sababta uu uga hadli waayay dadka shacabka ah ee guryahooda la dhacayo.

Cabdi Barre waxa uu tilmaamay in Xiliga la joogo Dastuurka looga baahan yahay inuu qabto Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee dhaca u geysaneysa aqalada dadka shacabka ah.

Hadalkan ayaa imaanaya Xilli doraad la soo saaray qoraal looga hadlay qodobadii ay soo gubiyeen qaar ka mid ah Barlamanka, kuwaasi oo lagu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com