Weerar ismiidaamin lagu la’day oo ka dhacay…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Weeraro ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Masaajid ku yaala Magaalada Maiduguri ee Waqooyiga Nigeria.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay 2 ruux oo isku soo miidaamiyay qalabka loo adeegsado ismiidaaminta waxa ayna weerarkaasi fuliyeen xilli ay dadku tukanayen Salaaddii Maqrib.

Labada weerar ayaa ka kala dhacay Bartamaha Masjidka iyo Iridka hore waxaana la soo warinayaa in weeraradaasi ay galaafteen nolosha shacab badan.

Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi Nigeria, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen 30 qof, halka tiro aan weli la shaacina ay ku dhaawacantay. waxay kaloo sheegeen in khasaaraha dhimashada ay intaa ka badan karto.

Weerarka ayaa waxaa fulintiisu lahaa dhalinyaro daacad u ahaa Maleeshiyaadka Boko Haram, waxa ayna Ciidamadu wadaan baaritaano.

Dhanka kale, Nigeria, ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaya weerarada ismiidaaminta ay ka wado Boko Haram, oo billo ka hor ku dhawaaqday inay ku biirtay Ururka Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com