Fadeexad: Xafiiska CC oo Cabdala-shideeye isku bedelay iyo ID-karo bug ah oo lagu qabtay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah Xafiiskiisa ay gacanta ku dhigeen ID-karo feeg ah.

ID-kaarada la qabtay ayaa la sheegayaa in laga sameeyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha kuwaasi oo loo sameeyay ganacsato iyo dhalinyaro kale oo aan la garaneynin waxa ay yihiin, kadib markii Ciidamada AMISOM ay ka shakiyeen wajiyadooda oo ku cusbaa.

ID-kaarada ay qabteen ilaalada Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa badankooda la sameeyay mudada uu xilka Ra’isul wasaaranimo hayo Cumar C/rashiid, iyadoona nidaamka lagu sameeyay uu yahay mid sharci ah, hayeeshee dadkaasi ay ahaayen kuwo laga waayay liiska shaqaalaha Xafiiska Cumar C/rashiid.

Baaritaano ay sameeyen Saraakiisha maamusha ilaalada Xafiiska Cumar, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dadkaasi aysan u shaqeyn gabi ahaan Dowlada, balse qaab ganacsi loogu sameeyay.

Talaabadaani ayaa kamid ah Fadeexooyinka heysta DF Somalia, oo iyadu aan iska warqabin, hadana aan is moogeyn.

Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa ka shaqeeya shaqaale aad u badan, hayeeshee badi ay yihiin kuwo iminka la qoray oo u baahan in la turxan bixiyo.

Lama oga sababta keentay in Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka uu ka duwanaado xafiisyada kale, inkastoo dadka waaya araga ay qabaan in Xafiiska Cumar uu u xuubsiibanaayo lahaanshiyaha hal beel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com